Wararka

Wasiir Bayle oo kulan la qaatay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan mira dhal ah la qaatay wakiilka Xoghaya Guud ee  Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhiagay ku sheegay in kulanka ay yeesheen isaga iyo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya uu ahaa mid mira dhala.

“Wuxuu ahaa kulan miro dhalay oo aan la yeeshay Wakiilka Cusub ee Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb.James Swan”.ayuu C/raxmaan Ducaale Beyle ku yiri war qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhiagay.

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale kulan kula qaatay xarunta wasaaradda Maaliyada Wasiirka Kaluumeysiga XFS iyo qaar kamid ah ganacsatada Kaluunka waxaa ayna kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa kordhinta wax soo saarka Badda iyo Dakhliga dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in badda ay kamid tahay Fursadaha dhaqaale ee ugu weyn oo haatan ka jira dalka sidaasi tarteetna ay muhiim tahay in lamaal gashado oo laga faa’iideysto.Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, suit and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close