Wararka
Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daahfuray mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait).
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada garowe ka Daah-furay Mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait).
Mashruucaan ayaa waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee maamulka Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah qaba .
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajeynayo in Mashruucaan uu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo ay ku jiraan la jaan qaadaan Tacliinta.
Ugu danbayn Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan.
wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya C/lahi Godax barre ayaa 11-kii bishaan ka daahfuray mashruucaan waxaana si si wadajir ah u fulinaayo Hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada.