Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo madaxweynaha Puntaland kala hadlay sidii xuriyadooda loo siin lahaa Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kala hadlay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadiisa ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.