Wararka
Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha shacabka oo kulan ku qatay Magalada Kigali.
Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay caasimada Kigali ee Dalka Rwanda.
Guddigaan oo Howlo Shaqo u joogo Dalka Rwanda ayaa kulankaas waxaa ay kula kulmeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheyta Soomaaliya iyo Xog-hayaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.
Kullanka oo uu shir guddoomiyay Gudoomiyaha Guddiga Xildhiban Maxamuud Cabdullahi siraaji ayaa waxaa ay si wadajir ah u eegeen wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Qandaraasyadda.