Wararka
Guddigii qaban-qaabada shirka dib u heshiinta Beelaha daga Galmudug oo gaaray Dhuusa-mareeb.
Gudigii dowlada fadaralka soomaliya ay u xilsaartey qaban-qaabada shirka dib u heshiinta Beelaha daga Galmudug ayaa maanta gaarey magalada Dhuusa-mareeb ee xarunta mamulka Galmudug.
Xubnaha gudiga ay wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya u xilsaartay xalinta khilaafaadka Galmudug ayaa waxaa hogaaminaya Prof: Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha sare ee Ra’isul wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiinta waxaana garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magalada Dhuusa-mareeb ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale.
Gudigaan ayaa ka kooban 12 xubnood waxana dhowaan magacaabay Wasiirka arimaha gudaha xukuumada fadaralka Soomaaliya waxaana loo xilsaaray xal u raadinta beelaha wada dega maamulka Galmudug kuwaas oo in mudo ah uu ka dhaxeysay khilaaf xoogan.