Wararka

Trump oo sheegay in ay soo rideen diyaarad laga leeyahay Iiran iyo Xukuumada Iiran oo beenisay sheegashadaas.

Madaxweyanha Maraykanka, Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in markab Dagaal oo laga leeyahay maraykanka uu soo riday diyaarad nooca darooniska (drone) ah oo laga leeyahay dalka Iiran taas oo kor heebaabaysay biyaha gacanka Hormuz.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaas ay 1,000 metir (metres) u soo jirsatay markabka layiraahdo USS Boxer ayna sidoo kale ka dhagga adkaysatay digniino loo jeediyay oo ku aadanaa in ay joogsata ugu danbeyna lasoo riday.

Balse waxaa sheegashadaas ku aadan in diyaarad nooca daruuniska ah laga soo riday dowlada Iiran laalay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Abbas Araghchi, waxaa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in aysan jirin  wax diyaarad ah oo ay ku waayeen marinka Hormuz ama meel ka baxsan.

Abbas Araghchi ayaa sidoo kale waxaa uu qoraal kiisa sii raaciyay in uu ugu walwal qabo in markabka USS Boxer uu si qaldan u duqeeyay mid kamida diyaaradahooda daruuniska.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran oo ku sugnaa caasimada  New York, halkaas oo uu shir kula lahaa Qaaramada Midoobe ayaa sheegay in aysan soo gaarin wax macluumaad ah oo ku saabsan diyaaradaan lasoo riday.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close