Wararka

Dowlada Turkiga oo weeraro cirka ah ku qaaday gobolka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq.

Turkiga ayaa weerar cirka ah ku qaaday gobolka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq ka dib markii dalkaasi lagu dilay qunsuul ku –xigeenkii Turkiga u joogay caasimada Erbil ee gobolka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq maalinimadii Arbacada sida uu sheegay wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar.

Qansuul ku-xigeenka waxaa lala dilay laba masuul oo kale sida ay sheegeen Booliska dalka Ciraaq balse ilaa hadda wax Masuuliyada weerarkaasi  sheegtay malahan waxaana sida ay qabaan khabiiro badan oo reer Ciraaq ah weerarkaasi  looga shaki qabaa in ay ka danbeeyaan kooxda PKK ee uu Turkigu u aqoonsan yahay koox argagixisa.

Wasiirka difaaca dalkaasi Turkiga ayaa sheegay in weerarka cirka ah ay ku qaadan deegaanka Qandil ee gobolka Kurdiyiinta ay ku bartilmaameedsadeen kooxda PKK waxaa uuna intaas ku daray in ay burburiyeen saldhigyada iyo baraha difaacyada kooxda PKK.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ay u gaystaan kooxda PKK ilaa ay ka ciribtiraan jiritaanka kooxda PKK.

“Dagaalka aan kula jirna argagixisada waan sii wadi doonaa anagoo sare u qaadeyna ilaa aan ka baabi’inno” ayuu yiri wasiirka difaaca Turkiga.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close