Wararka

Jordan oo safiirk cusub u magacaawday dalka Qatar.        

Dowlada Jordan ayaa safiir Cusub u magacaawday dalka Qatar laba sano kadib markii ay danjirahooda u joogay Doha kala baxeen, xiligaas oo ay dalalka Qaliijka dowlada Qatar ku soo rogeen cumaqabateen oo ay xariirkina u jareen.

Dalalka Sacuudiga, Imaaradka, Masar iyo Baxreyn ayaa xariirka u jaray dowlada Qatar bishii June sanadkii 2017-kii kadib markii ay ku soo eedeeyeen in Qatar ay taageero siisa waxa loogu yeera Argagixisada.

Zeid al-Lawzi, oo horay u ahaa xoghayaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ahna diblumaasi sare ayaa loo magacaabay in uu noqda safiirka Cusub ee Jordan u fadhin doona dalka Qatar.

Dowlada Jordan ayaa sidoo kale sheegtay in ay aqbashay safiirka cusub ee Qatar u soo magacaawday dalkaasi kaas oo lagu magacaabo Sheikh Saud bin Nasser bin Jasem al Thani.

Xeriirkaan kasoo dhex cusboonaaday labadaan dal ayaa imaanayo kadib markii uu Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Qatar ahna wasiirka difaaca dalkaasi Khalid bin Mohammed Al Attiyah ,uu booqasho bishii April ku tagay Caasimada cammaan ee dalka Jordan halkaas oo uu madaxda dalka Jordan kula saxiixday heshiisyo iskaashi.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close