Wararka
Madaxweyne Waare oo Magaalada Jowhar ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Madaxweynaha waxaa soo dhaweynta ku wehlinaayay madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne waare iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan ayaa kawada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin.
Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3-aad ee uu ku tago Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka kadib marki uu booqasho ku tagay Todobaadkani magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Puntalnd halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxweynahyaasha Maamuladaas.
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in uu safar ku mari doona dhamaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.