Wararka

Dowlada Soomaaliya oo 9 sargaal dalacsiisay kadib shaqa adag oo ay ka qabteen amniga caasimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Muunasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana saraakiishaan oo gaarayso sagaal u dalacsiiyay jagooyinka kala ah  Gaashaanle, Gaashaanle Sare iyo  Sareeye Guud.

Dicreetada ka soo baxday madaxweyne Farmaajo ayaa Sareeye Guute loogu dalacsiiyay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed halka taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare.

Munaasabaddaan dalacsiinta Saraakiisha waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale.

Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhalinyarada ah ee la dalacsiiyay.

Mahad Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Moha Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close