Wararka

Haweyneey markii ugu horeysay taariqda dalka Mozambique u tartamayso jagada madaxweyne ee dalkaasi.

Maria Alice Mabota waa haweeyney u ololeeysa xaquuqda aadanaha, waxaa ayna soo noqotay madaxa xaquuqul insaanka ee dalka Mozambique, waxaa ayna hadda u tartamaysaa jagada madaxweyne ee dalkaasi.

Haweyneydaan ayaa kasocota xisbiga Isbahaysiga Dimuquraadiga (CAD) kaas oo ka kooban illaa lix xisbi siyaasadeed waxaa ayna u soo xusheyn in ay noqotay mida u matali doonta tartanka doorashada madaxweynaha dalka Mozambique.

Maria Alice Mabota ayaa noqonayso musharaxa 50 ee loo diwaan galiya doorashada madaxtanimada dalkaasi Mozambique waxa ayna noqon doontaa haddii shacabka Mozambique ay dortaan haweyneeydii ugu horeysay ee madaxweyna ka noqota dalkaas.

Mar ay wareysi siinaysay warbaahinta dalkaasi ayay sheegtay in ay ku kalsoontahay in shacabka Mozambique ay codkooda siin doonaan oo ay walwal ka qabin tartanka ay kula jirta musharaxiinta kale.

Dooarashada dalka Mozambique ayaa lagu wadaa in ay qabsanto 15 bisha October, waxaana xiligaas la xaqiijin doonaan in madaxweynaha haatan talada haaye ee Filipe Nyusi uu kursiga uu sii hayndoona iyo inkale.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close