Wararka
Madaxweynaha Hirshabeele oo gaaray Dhuusamareb.
Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa maanta Booqasha rasmi ah ku tagay Magaalada Dhuusamareb ee caasidamada Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareb ku soo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh maxamed Shaakir Cali Xasan Wasiir Dowlaha arimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareb.
Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh maxamed Shaakir Cali Xasan oo hadallo soo dhaweyn ah goobta ka jeediyay ayaa sheegay in madaxweynaha Hirshabeele uu yahay ogaygii labada maamul sidaasi tarteet ay soo dhaweyniyaan madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay laba qayb kuwaas oo kala ah; in ay diira galiyaan geedi socodka lagu dhisaayo dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidoo xal waaro looga gaari dagaalo soo noqnoqda oo ka dhaxeeyo dad walaallo ah.