Wararka

Wasiirka shaqada oo gaaray magaalada Garoowe.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Ujeedka socdaalka wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ee uu ku tagay magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo  halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa  ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .

“Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close