Wararka
Turkiga oo Cambaareeyay weerarkii Hotel Madina (Ex cascasey).
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxaa lagu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Madina (Ex cascasey) kaas oo ay ku dhinteen 26 qof halka 56 kalana lagu dhaawacay.
Dowlada Turkiga ayaa kaga tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarka eheladii, qarabadii, saxiibaddii iyo dowlada Soomaaliya, waxaa ayna sheegeen in Turkiga uu garab taagan yahay shacabka iyo dowlada Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka Turkiga uu aad iyo aad ugu xunyahay weerarkaas waxaa ayna naxariista Janna ugu Baryeen Allah in uu Ka waraabiyo dadkii ku dhintay weerarkaas.
Dowlada Turkiga ayaa ah dowlada kaliya ee ku dhiiratay in Soomaaliya ay garab istaagto xili dalka uu ku jiray qalalaaso dagaal iyo abaaro ba’an waxaana Booqashadiisi ugu horeysay oo taarikhi ah Muqdisho ku yimid madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan sannadkii 2011-kii.