Wararka

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xaflad arroos gudaha dalka  Afghanistan.

Qarax ismiidaamin ah oo lagu bartilmaamedsaday xaflad arroos oo ka socotay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay lix ruux waxaana ku dhaawacmay tobban iyo afar kale sida ay xaqiijiyiin saraakiisha ciidanka dalkaasi.

Ruuxa ismiidaamiyay ayaa gudaha u soo galay gurigii ay xaflada arooska ka socotay oo uu lahaa abaanduula hore oo ka tirsanaa ciidamada dalkaasi oo ku yaallo degmada Pachir Aw Agam sida uu xaqiijiyay sargaal ka tirsan ciidanka Booliska dalkaasi Afghanistan oo lagu magacaabo Fayz Mohammad Babarkhil.

Kooxda Taliban oo iyada kamid ah kooxaha ka dagaalamo dalkaasi Afghanistan ayaa iska dheeraysay ku lug lahaanshaha weerarkaas.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheed markii caasimada gobolkaasi Nangarhar ee Jalalabad, uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa kaas oo ay ku dhinteen seddex sargaal iyo lix shacab ah waxaana ku dhaawacmay seddex iyo tobban ruux Waxaana masuuliyadda weerarkaas sheegatay kooxda Islaamiga ee ISIL.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close