Wararka
Madaxa Militiriga dalka Sudan oo ka warbixiyay Iskuday afganbi oo ka dhacay dalkaasi.
Isku day Militiri oo dhicisooway ayaa ka dhacay dalkaasi Sudan sida uu xaqiijiyay madaxa Militiriga dalkaasi Jamal Omar.
Illaa iyo hadda waxaa dhacdadaasi loo soo qabtay 16 sargaal kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen isku daygaan afganbiga dhicisooway.
Dhacdadaan ayaa sidoo kale imaanayso xili ay asbuucii tagay ay heshiis wada gaareen Militiriga ka arrimiya dalka Sudaan iyo xisbiyada Mucaaradka ee iyagu ka danbeeyay in uu madaxweyne Omar Al-bashir xilkiisa ku waayo.
Madaxda Militiriga dalka Sudan iyo mucaaradka dalkaas ayaa asbuucii tagay luxury hotel ku yeeshay heshiis dhigaayo in guddiyo labada dhinac ka kala socda ay dalkaasi xukumaan seddeexda sane ee soo socotay inta laga gaarayo doorashada dalkaasi.
Arrimaha dalka Suudaan ayaa marka laga tago banaanbaxyaasha dalkaasi waxaa faraha kula jira dowlada kala arragti duwan taas oo keenayso in isku dhacyada dalkaasi ay yihiin kuwa waligood taagan