Wararka

Lix burcad ah oo lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Dharkinley.

Waxaa Saldhiga degmada Dharkinley ee Gobolka Banadir lagu soo bandhigay 6 burcad ah kuwaas oo sida la sheegay dhaq u geesan jiray shacabka degmadaas ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Cabdirahmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow, ayaa ka warbixiyay lixdaan ruux ee lagu sheegay in ay dhac ka gaysan jireen degmada Dharkinley waxaa uuna sheegay in ay olole ka dhan ah cid kasta oo hub u adeegsata shacabka kawadaan Gobalka Banadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu digay odayaasha isku daya marka la soo qabta ruux Burcad ah in ay ka daba imaadaan oo ay ka  bad-baadiyaan in sharciga la horkeena waxaa uuna xaqiijiyay in odayaashaas ay naftooda u aqoonsan doonaan burcad-kalkaal waa sida uu ku sheegay war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

“Saldhiga Dharkinley waxaa lagu soo bandhigay 6 burcad bulshada dhib ku hayey oo aan u gudbinay Maxkamada Ciidanka. Olole baan wadnaa ka dhan ah cid kasta oo hub u adeegsata shacabka si aan shacabka u badbaadsano. Odaygii ka daba yimaada ha ogaado in loo aqoonsanayo burcad-kalkaal” ayuu ku yiri Eng. Yarisow Bartiisa Twitter-ka.

Cabdirahmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow ayaa sidoo kale sheegay in ay ragaan u gudbiyeen  Maxkamada Ciidanka halkaas oo lagu wada in ay ku maraan dacwada kiiskooda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close