Wararka
Madaxeyne Ku-xigeenka Puntland oo ka dagay Magaalada Boosaaso kadib safari shaqo oo uu ugu maqnaa Puntland.
15-maalin kadib, waxaa maanta dowlad goboleedka Puntland dib ugu soo laabtay madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo waxa ayna kasoo dageen Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka oo safara shaqo ugu maqnaa dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa loogu sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee uu ugu maqnaa dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka.
“Aniga iyo wefti aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noosoo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.