Wararka
Guddigii xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka KGS oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.
Waxaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay dib ugu laabtay Guddigii xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo Howlo shaqo Ugu Maqanaa Deeganada Galmudug,iyo puntland, si ay usoo ogaadaan xaqiiqada Dhabta ah dhacdooyinkii ka dhacay Deegaanadaasi.
guddigaan yaa ay safaro kala duwan ay ku tageen Deeganada Puntland iyo Galmudug iyagoona Kulumo kala duwan la qaatey Bulshada Ka soo jeeda koonfur Galbeed ,iyo Madaxda maamuladaasi.
Af-hayeenka Guddiga xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdullahi Adan Black ayaa ka warbixiyay socdaalkii ay ku tageen deeganada Galmudug iyo Puntland iyo waxyaabihii ay halkaas kula soo kulmeen.
Wasiirka Garsoorka ,iyo Cadaaladda dowlad Goboleedka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xuseen Xasan ayaa umahadceliyay Mas’uliyiintii ku soo dhaweysay garoonka waxaa uuna sheegay in safar koodi ay ku tageen Galmudug iyo Puntaln uu ku soo idlaaday is afgarad.