Wararka

Wasiir Godax Barre oo booqday Goobaha ay ka socota saxidda Imtixaankii la qaaday.

Wasiirka waxbarshada xukuumada fadaralka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Bare ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socoto sixida imtixanaadkii shahaadiga aha ee ay qaadey wasarada waxbarshada ee xukuumada fadaralka Soomaaliya.

Wasiir Goodax Barre ayaa halkaasi kula kulamay masuuliyiinta wada saxida imtixaanaadka waxana uu ukuur galay  sida ay u socoto shaqada imtixaan sixida sanad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Wasiir Goodax Barre ayaa tibaxay Imtixaanka sixistiisa uu  soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu marayo heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta imtixaanka la saxay, waxaana dhawaan shaacin doonnaa natiijada imtixaanka  sida uu ku sheegay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

Imtixaan isku mid ah in laga qaado dugsiyada sare ee koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ayaa waxay soo bilaabatay sannadkii 2015, iyadoo iskudayadii hore ay guuldarraysteen dhammaantood.

Imtixaanka hada ay saxeyso wasarada waxbarshada ee xukumada federaalka Soomaaliya  ayaa ah mid dib loo qaadey waxana magalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka dhacay banbaxyo looga horjeedo dib u qadida imtixaanka wallow markii dembe lagu qanciyey ardadu in ay galaan imtixaanka.Image may contain: 5 people, people sitting and tableImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 peopleImage may contain: 1 person, sitting and tableImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close