Wararka
15 kaluumaysato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay si lacag la’aan ah ugu shaqeeyaan Kambani Kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Soomaaliya.
Sida lagu daabacay wargayska Daily nation ee kasoo baxa dalkaasi Kenya, 15 ruux oo kaluumaysato Kenyan ah ayaa lagu qasbay in ay lacag la’aan ugu shaqeeyaan Kambani kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Soomaaliya.
Wargayska ayaa sheegay in warbixintaan ay sii say sargaal ka tirsan Uruur isu socodka Caalamiga ee Shaqaalaha Barriga Africa (ITF) taas oo lagu magacaabo Betty Makena.
Kooxdaas sida qasabka lagu haysta ayaa ururka ka codsaday sidii loogu caawin lahaa in ay dib ugu soo noqdaan dalkooda waxaa ayna Makena intaas ku dartay in ay la xeriirtay masuuliyiintii Kambanigaas balse ay ka diideen in ay la kulmaan.
Sida laga soo xigtay Betty Makena nimankaaan ayaa ka hor inta ay ku biirin kambanigaas waxaa ay ka shaqaysan jireen xeebaha Magaala Xeebeedka Mombasa.
Masuulkaan ayaa sheegay in sawiro ay la soo wadaagee kooxdaan kadib markii ay cinwaankeeda ka Helen saaxibadooda in ay ka muuqdeen dhawac iyagoonan helin daawo.
Kambanigaan ayaa lagu magacaaba FV Marwan 1 kaas oo ka howlgalo biyaha dalka Soomaaliya sida ay sheegtay Betty Makena waxaa ayna intaasi ku dartay in shaqaalahaan lagula heshiiyay in meshaar ahaan bishii ay u qaadan doonaan Sh26,000 oo lacagta dalka Kenya ah balse aysan helin lacagtaas tan iyo markii heshiiskaas uu dhacay Bishii April.