Wararka
Dhimasho iyo dhawac ka dhalatay shil tareen oo ka dhacay gudaha dalka Pakistan
Shilkan ayaa ka dhacay mel udhaw magalada Rahim Yar Khan ee dalka Pakistan waxana ku geeryooday ugu 10 ruux halka in ka badan 70 ruuxna ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay Booliska dalkaasi iyo waliba saraakiil caafimaad.
Shilkan ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacay saldhiga tareenada Walhar, oo ku yaala meel 35km koonfur ka xigta magalada Rahim Yar Khan.
Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalkaasi Pakistan oo lagu magacabo Umar Salamat ayaa warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi u sheegay in isku dhacu uu yimid ka dib markii tareenka uu ku dhacay gaari xamuul ah oo si qaldan u taagnaa xarumaha Basaska laga raaco.
9 ka mid ah dadka geeryoday ayaa la dhigay Isbitaal ay leedahay dowlada halka dhaawaca 60 kale lagu dabiibayo halkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa tweeter-ka ka tacsiyey dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmey, wuxuuna amray in wasiirka duulimaadka ee dalkaasi Pakistan Sheikh Rasheed Ahmad in uu dedejiyo howlaha kaabayaasha tareenada ee wadankaasi .