Wararka
Kusimaha Xoghayaha joogtada oo nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Russia
Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mikhail Golovanov.
Kusimaha Xoghayaha ayaa Safiirka cusub ee Russia u fadhin doona Soomaliya urajeeyay in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, waxaa uuna kula dar-daarmay In uu sii xoojiyo xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal.
Dowlada Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xeriir soo jireen ah waxaa ayna tan ka dhigan tahay in Ruushka uu meeshiisa ka sii wadi doona taageerida uu siin jiray dowla Soomaaliya.