Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay dhalinyarada magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaaladaas.

Kulanka ay Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada wada qaateen ayaa waxaa diiradda lagu saaray  dowrka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, midaynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya uu la qaato dhallinyada waxaa uuna sheegay in xukluumadiisa ay muhiimad gaar ah siinayso dhalinyarada sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa Dhallinyarada uu la kulmay ku booriyay in ay is abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka oo ay u noqdaan kuwa ka badaxbanaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close