Wararka

Bandhig carweedka Buugaagta kismaayo oo maalintiisi ugu danbeysay ka socda Kismayo.

Waxaa Maanata Magaalada Kismaayo lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeyo bandhig carwaydka buugaagta Kismaayo oo socday Mudda seddex maalin ah iyadoo ay ka qayb galiyaan dhalinyara badan oo qoraa ah iyo masuuliyiin lagu casuumay Bandhiga waxaana Munaasabadda xiritaanka carwada ka soo qayb gali doona madaxda ugu sareysa dowlad goboleeedka.

Dood cilmiyeedkii ugu danbeeyay ee maanta lagu qabtay hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo oo ay ka soconayso bandhiga carweedka Buugagta Kismayo ayaa waxaa looga doodaayay Xirfadaha iyo doorashada takhasusaadka Jaamacadaha ee Dhallinyarada waxaana dooda ka qayb galay Faadumo Cabdirashiid Cali oo ah Qareen, u dhaq-dhaqaaqda arrimaha Dhallinyarada iyo Haweenka, Maxamuud Aadan Muumin oo ah Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Umadda  Soomaaliyeed, Maxamed-Aamiin Cabdiraxmaan oo ah Saxafi ka shaqeeya Aljazeera Mubasher iyo Axmed Cadi Maxamed oo ah qoraa ahna xubin ka tirsan xarunta Tababarka ee YALI waxaana dooda u qaybinaayay Bishaar Dool oo ah Qoraa iyo Saxafi.

Maxamed Xasan Shaaciye oo naafa ah, kana mid ah dhalinyaradii ka qayb gashay bandhig Carweedka Buugagta Kismayo ahna qoraa qoray Buugga “U hiilli Naafada” ayaa dhaliil u soo jeediyay dhallinyarada Kismaayo ku nool waxaa uuna sheegay in fursad lasiiyo dhallinta naafada ah si ay u soo bandhigaan xirfadahooda qoraal.

“Waxaan ka mid ahay dhalinyarada naafada ah ee muqdisho ka yimid si ay uga qayb galaan bandhigg carwada buugaagta Kismaayo arrinta aan Reer Kismaayo ku dhaliilayo waxaa ka mid ah in ilaa hadda uusan bandhigga ka soo qayb galin qof naafo ah oo reer Kismaayo ah waana dhaliil aan u hayo shacabka Kismaayo” ayuu yiri Maxamed Xasan Shaaciye.

bandhigga carwada buugaagta Kismaayo ayaa galay sanadkiisi seddexaad waxaana furitaanka bandhigaga ka qayb galay madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ( Ahmed Madoobe).Image may contain: 1 personImage may contain: one or more peopleImage may contain: 3 people

 

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people smilingImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting, child and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close