Wararka
Amirka dalka Qatar oo kusugan dalka Maraykanka.
Amirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kusugan caasimada Washington DC ee dalka Maraykan waxaana lagu wadaa in uu la kulma masuuliyiin ka tirsan aqalka cad ee looga arrimiya dalkaasi Maraykanka.
Labada masuul ayaa lafiliyaa in kulanka ay maanta yeelaniyaan in ay ugu hadli doonaan xeriirka labada dal iyo sidii ay si wadajir ah ugu shaqayn lahayeen nabadeynta iyo xasilinta gobolka.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyada Difaaca, Maalgashiga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Booqashadii ugu danbeysay ee uu Amiirka ku tago dalkaasi ayaa aheed sanadkii 2018-ka, xiligaas oo uu madaxweyne Trump uu si heersara ugu soo dhaweeyay Dalka Maraykanka waxaa ayna xiligaas kawada hadleen sidii ay iskaaga kaashan lahayeen dagaalka lagula jira Argagixisada iyo horumaradii ugu danbeeyay ee gobolka.