Wararka
Madaxweyne Dini iyo Ambassador James Swan oo kawa hadlay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag.
Madaxweyna dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Dini ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo masuuliyiin kale oo kullanka ku wehlinaayay.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.
“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa”.ayuu yiri madaxweyne Dini.
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa safarkiisi ugu horeeyay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland waxaa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay safarka uu ku tagay Puntland waxaa uuna sheegay in uu sidoo kale booqan doona dowlad goboleedyada kale.
Madaxweyne Dini iyo James Swan ayaa sidoo kale kawada hadlay xaaladaha ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag waxaa uuna Wakiilka soo jeediyay in madaxda labada Maamul ay kawada shawqeeyaan nabada deeganada Sool Iyo Sanaag ayna gaaran Xal nabadeed lana Joojiya dagaalada ka jira deeganka Tukaraq.
“Aniga iyo madaxweyne Dini waxaan ka wada hadalnay xaaladaha ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag iyo dagaalada ka dhacaayay deeganka Tukaraq bilihii lasoo dhaafay waxaan madaxda Puntland iyo Somaliland ku booriniyaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafyadaan” ayuu yiri Ambassador James Swan.
Wafdiga Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxaa kamid ahaa Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Saciid C/lahi Dini ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Ambassador James Swan ugu mahadceliyay safarka ay ku imaadeen dowlad Goboleedka Puntland sidoo kale dhankiisa Ambassador James Swan ayaa madaxweynah Puntland ugu mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.