Wararka
Urur Goboleedka IGAD oo War Kasoo Saaray Heshiiska Dowlada Dhexe Iyo AhluSuna.
Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Mr.Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen labada dhinac.
sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiriso kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya,waana garabtaagan nahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa weyn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin oo ah Xoghayaha guud ee IGAD.
Maxbuub ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galinayso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka, iyo in si buuxda qaybaha ay dalka kaga hareen looga xoreeyo kooxaha nabad diidka ah.