Wararka
Shacabka dalka Giriigga oo maanta u dareeray doorashada baarlamaanka dalkaasi.
Doorashada Baarlamaanka dalka Giriigga ayaa maanta oo axad ah ka bilaabatay dalkaasi waxaaana goobaah codbixinta la fuuray abaara 7am waxaana lasoo xiri doonaa 12-saacadood ka dib marka ay soo idlaato codbixinta.
Xisbiga garabka biddix ee Syriza ee uu hoggaamiya Kyriakos Mitsotakis oo uu dhalay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas ayaa cadaadis addag kala kulmaayo xisbiyada Mucaaradka dalka Giriigga.
Ra’iisal wasaaraha dalka Giriigga Alexis Tsipras oo 44 sano jir ah oo guddomiya u ah isla xisbiga Syriza ayaa seddex billood ka hor inta waqtigiisa ugu harsaneed ku dhawaaqay doorashada kadib markii uu xisbigiisa la kulmay dhaleeceen.
Doorashadaan ayaa markii ugu horeysa taariqda dalka Giriigga la qabaniyaa bartamaha xagaaga xiligaas oo ay dadka Giriiga ku jiraan fasax waxaa ayna badan kood ku maqan yihiin dalxiis dalka dibadiisa ah.
Sida laga soo xigta warbaahinada dalkaasi Giriigg, waxaa doorashadaan Baarlamaaniga ah loo diwaan galiyay codbixiyaal gaariya ilaa 9,903,864 oo ruux waxaa aanan codeyn doonin dadka u dhashay Giriigga eek u nool dalkaasi dibaddiisa.
Xukuumada uu hoggaamiyo Tsipras ayaa la kulmeyso cadaadis aad u badan ka dib markii ay ku guul dareysatay in ay wax badan ka qabato dhaqaala xumida haysato dalka Giriigga sidoo kale waxaa lagu eedeeyaa in ay ku guul dareysatay in ay xakameyso dabkii ka kacay caasimada Athens kaas oo ay ku nafwayeen 102 ruux.