Wararka
Maamulka Jubbaland oo Jawaab kulul ka bixiyay Hadal ka soo yeeray Wasaarada arrimaha gudaha .
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeynayso in dowladda federaalka Soomaaliya aysan Wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka ay fara galin qaawan ku hayso maamulada dalka ka jira waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedkaa in Dowlad goboleedka Jubbaland aysan quseyn war-qadda kasoo baxday wasaaradda arrimaha Guddaha,federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Jawaabtaan ayaa imanayso xili doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka harsantahay billooyin oo kaliya waxaa ayna u muuqataa mid keeni karto wadashaqeyn la’aan dhex marta dowlada dhexe iyo dowlad Goboledka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa xasuus mudan in maamuladii garabka la ahaa dowalad Goboleedka Jubbaland ay heshiisya la gaareen dowlada dhexe iyadoo ay ugu danbaysay dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowlada Soomaaliya kala dhaxaysay kala arragti duwanaasho aad u weyn.
Hoos ka akhriso jawaabta Jubbaland ka bixisay Hadalka ka soo yeeray Wasaarada arrimaha gudaha.