Wararka

Dowlada Federaalka oo soo saartay goobaha ay ka dhacayso doorashada Jubbaland.

Wasaaradda arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay habraaca doorashada Dowlada Goboleedka Jubbalan iyo Goobaha lagu qaban doona.

Doorashada dowlada goboleedka Jubbaland ayaa ka dhici doonta akaadamiyada Booliska Jubbaland ama xarunta Qaramada Midoobe (UN COUMPOUND) halkaas oo ah goobta ay dowlada u asteysay in ay ka qabsoonta doorashada xildhibaanada iyo tan madaxweynaha Jubbaland waxaana goob joog ka ahaan doona wasaaradda arrimaha Guddaha iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Wasaaradda ayaa faahfaahino ka bixisay doorka ay dumarka ka qaadan doonaan ka mid ahaanshaha xildhibaannada Dowlada Goboleedka Jubbaland iyadoo ku amartay in beelaha leh seddex kursi ay xildhibaan haween ah ku soo daraan dorashada halka kuwa afarta leh ay laba kamida ka dhigaan dumar.

Wasaaradda arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale amar waxaa ay ku  bixisay in Liiska odayaasha rasmiga ah ee soo xulaayo xildhibaanada ay isla wada ansixiyaan wasaaraddaha arrimaha Guddaha dowlada dhexe iyo Jubbaland.

HADDABA HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA DOWLADA DHEXE:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close