Wararka

Ra’iisal wasaaraha dalka oo kulan la yeeshay  Ganacsatada ka soo jeeda Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay  Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Ganacsatada uu maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay deeganada Galmudug kulamo la qaadanaayay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa uuna kala hadlaayay sidii looga shaqayn lahaa dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowlad goboleedka Galmudug.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close