Wararka

Dowlada oo la waregtay 700 oo Askari iyo Gaadiid Dagaal.

Dowlada federaalka ayaa askar iyo Gaadiid dagaal  kala wareegtay maamulka Ahlu Sunna ee Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanballe si loo Qarameeyo.

Askartaas ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay gariyaan 700 oo Askari waxaana Munaasabadda wareejinta Hubka iyo Ciidanka goobjoog ka ahaayeen,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Xildhibaanno , mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balanballe Saraakiil iyo madax kale.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa madaxda iyo Saraakiisha ka socotay Dowladda dhexe ee Soomaaliya guddoonsiiyay Ciidanka, Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee ay wareejisay maamulka Ahlu Sunna

Soodhaweynta kadib, Maxamed Cabdi Xaashi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dowlada Federaalka ka codsaday in ay Ciidanka la Qarameynayo ka helaan Gacan buuxda, sida Gaadiidka, Garaaddaha iyo abaal marinnada kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in ay Soomaaliya kasoo daashay, Dowlad la’aan iyo kala qeybsanaan, isagoo ka codsaday in aan dhismaha Ciidamada lagu hallayn oo keliya Madaxweynaha, Wasiirrada iyo taliyeyaasha, balse cid walba looga baahan yahay in ay kaalin ka qaadato soo celinta Qarannimadii Soomaaliyeed.

Janaraal Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe), Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin inuu arko Dhallin yaro intaa la’eg oo kusoo biireysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Todobaad ka hor ayay aheed markii sidaan si lamida ay dowlada la wareegtay Ciidankii AhluSunna ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi laga billaabay diiwaan gelinta iyo Qaramaynta Ciidankii AhluSunna Waljamaaca.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close