Wararka

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo abaalmarinno guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda waxaa uuna uga mahadceliyay shaqada ay qabteen intii lagu gudda jiray maalmihii xorriyadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sidookale Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, suitImage may contain: 8 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, suitImage may contain: 10 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close