Wararka
Dowlada Soomaaliya oo war kasoo saartay kulamkii wasiirka arrimaha dibadda dalka ay la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland.
Dowlada Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay war qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya 27 June 2019, dowlada ayaa dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay bartaas u gudbisay Safiirka dowlada Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo.
Qoraalkaas ayaana u qornaa sidaan “Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya”.
“Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya”.
Fariintan ayaa imanayso iyado dhawaan ay maxkamada caalamiga ee Cadaalada ay go’aamisay xiliga rasmiga ah ee la dhagaysan doona dacwadaha labada dal.