Wararka
Ra’isul Wasaaaraha Dalka Oo Munaasabada 1-da Luulyo Kaga Qeyb Galay Dhuusa Mareeb.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug uga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada goballada Koonfureed iyo midoobidda goballada waqooyi iyo koonfur.
Ra’iisal wasaare Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalintaan ku wayn quluubta shacabka Soomaaliyeed, ayaa xasuusiyay dadka Soomaaliyeed in xornimada maanta lahaysto ay mawaadiniin Soomaaliyeed halgan dheer iyo adkaysi soo geliyeen oo dhiggooda ku bixiyeen.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku celiyay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed ayna dhaqan gashay midnimada Soomaaliya ayaa ku baaqay in ay gacmaha la is qabsado, la adkeeyo midnimada iyo wadajirka soo billaawday 59 sano kahor, maadaama midnimadu ay awood tahay kala tagguna uu keeno tabar darro iyo jilicsanaan bulsho.
Munaasabadda lagu xasuusanahay halgankii loo soo maray xornimada laguna wayneynayay halgamayaashii dhaliyay xornimada ayaa waxaa ka qayb galay madaxa fulinta Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno, mas’uuliyiin kale iyo dadwayne aad u badan.