Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Ku aadan Maalinta Xuriyada 1-Luulyo u diray Umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi.
Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.
“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.”