Wararka

Wasiir Oomaar oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addaa duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya tababar ku saabsan la socoshada duulista Hawada loogu soo gabagabeeyay qaar ka mid ah shaqaalaha duulista Rayidka Soomaaliya.

Tababarkaan ayaa soconaayay muddo Bil ah, waxaan shaqaalaha ka faa’iideystay tababarkaan ay tiradooda gaareyso Sagaal xubnood waxaa ayna baranaayeen Casharro ku aaddan sharciyada hagidda iyo la socoshada Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalkeenna ,Waddanka Hindiya iyo guud ahaan Dalalka dariska la ah dowlada.

Wasiirka Gadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya ,Maxaned Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa munaasabaddii lagu soo xirayay tababarka ka sheegay in laga billaabo dabayaaqada Bisha July ay si rasmi ah u maamuli doonaan Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka ‘ shaqaalaha Soomaaliyeedna ay u tababaran yihiin sidii loo Maamuli lahaa.

Diiwaan gelinta Diyaaradaha isticmaala Hawada Dalka iyo bixinta aqoonsiyada duuliyeyaasha ayaa qeyb-ka ah go’aannada ay xaqa u leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo dakhliga kasoo baxana uu kor u qaadi doono kobaca dhaqaalaha Dalka.

Tababarkan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa ayaa ka mid ahaa shuruudaha ku xirnaa soo wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in 27-ka Disembar ee Sanadkan qalab casri lagu rakibo xarumaha hagidda Diyaaradaha ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close