Wararka
Maamulada Koonfurgalbeed iyo Galmudug oo ka wada hadlay ragii dilka looga gaystay magalada Galkacyo.
maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka wada hadal ka yeeshay dilka sagaal qof oo rayid ah looga gaystay xaafadda Wadajir ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo, 15kii bishaan kuwaa oo ahaa dad ka soo jeeda deegnada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed iyo guddiyo kasocda Galmudug ayaa kulan ku yeeshay koonfurta Gaalkacyo oo looga arrinsanayo xiisadda ka dhalatay dilkaasi iyo sidii xal waara loogu gaari lahaa.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaanay wali ku guulaysan soo qabashada dadkii falka dilka gaystay oo ay ku raad joogaan.
Dilkan ayaa yimid kadib sarkaal katirsan ciidamada ammaanka Galmudug oo kooxo hubaysan ay dileen, taasi oo sababtay inay si caro leh uga falceliyaan dad kasoo jeeday Galmudug.
Gudigan oo ka kala socda Barlamanka golaha shacabka ee Soomaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa looga fadhiyaa in ay keenaan cadeyn rasmi oo ku aadan cida rasmiga ee ka dembeysa dil wadareedkan ka dhacay magalada Galkacyo.