Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay Salaadda Janaasadda ee lagu tukaday Allah u naxariiste marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, oo shalay geeriyooday Isbitaal ku yaalo caasimada dalka.

Janaasada waxaa sidoo kale madaxweynaha kala qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen Qoyskiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Qanyare Afrax.

dhaqanka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close