Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo shirka kaga qayb galay dalka Botswana.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)  ayaa ka warbixiyey shirk u saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana.

Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)  ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.

Taliyaha Ciidanka ayaa waxaa uu sheegay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka.

“Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Intii kulankaas uu socday taliyaha ayaa  kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close