Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Boqolaal Dadwayne ah Kula hadlay Magaalada Caabuudwaaq ee Gobalka Galguduud.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,  ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo.

Sidoo kale  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabuudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close