Wararka
Guddoomiyahay gobalka Banadir oo ka qayb galay Barnaamijka Cafis oo maanta laga xusay Caasimada dalka.
28 Bisha June Sanadkii hore Maanta oo Kale ayay ahayd Markii Barnaamijka Cafis Labilaabay In Laga Xuso Sooomaaliya.
Barnamijka oo galay sanadkiisa labaad ayaa waxa laga xusay magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo casimada dalka.
Munaasabad si heersare ah looga soo shaqeeyay oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay beerta nabada.
Ugu horey wax goobta ka hadlay cabdi Muuse oo ka mid ah Mas’uuliyinta barnaamijka cafis sida weyn ugu ololeeyay waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Barnaamijka cafis iyo sida uu ku yimid Iyo Ujeedka laga leeyahay.
Cabdirisaaq oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha barnaamijka ayaaa shegay in isagoo yar ay dhibaato u geysatay Eedadiis la dhalatay Aabahiisa dhibaatadaa oo ugu dambeyntii sababtay in labada gacmood laga jaro balse barnaamijka cafis ka sheegay in uu cafiyay Eedadiis oo dhibtaa u geysatay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo Qeyb Ka ahaa Mas’uuliyiinta Ka qeyb Gashay Barnaamijka Cafis ayaa Ka sheekeeeyay muhimada bulshada Soomaaliyeed uu u leeyahay barnaamijka cafis isagoona ugu baaqay Ummada Soomaaliyeed in ay is Cafiyaan wuxuuna xusay Gudoomiye Yariisow inuu cafiyay cidkasta uu wax ka tabanaayo isagoona taaa bedelkeed dalbaday in ay cafiso cidkasta oo wax ka tabaneyso.