Wararka
Aas qaran oo maanta Puntland loogu sameeyay Guddoomiyii Maxkamadda Sare ee Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.
Allah u naxaristee waxaa maanta Magaalada Garooowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland lagu aas qaran loogu sameeyay Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur waxaana ka qayb galay aaska Marxuumka Masuuliyiin ka socotay dowlada Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb gashay aaska loo sameeyay Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa madaxweynaha kala qayb galay aaska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka Tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed.
“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumka” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.