Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ugu danbeyn maanta lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya.

Waxaa maanta Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo Afar Cisho oo ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha.

Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda  ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay.

Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu kala saxiixday heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha waxaana dowlada u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) halka dhanka hay’adda ICAO waxaa heshiiskaan u Agaasimaha hay’adda, Jorge Vargas.

Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada.

Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan.

Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa.

Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close