Wararka
Dowlada Soomaaliya oo war kasoo saartay seddex muwaadin oo ay dhawaan ciidamada AMISOM gaari jiirsiyeen.
Taliyaha qeybta nabad gelyada Waddooyinka ee Soomaaliya, Janaraal; Maxamed Yuusuf Cumar (Ma daale), ayaa sheegay in ay Gacanta ku hayaan Kiiska shilkii dhowaan ka dhacay Ceelasha Biyaha, markii ay Ciidanka AMISOM Gaari jiirsiiyeen Saddex muwaaddiniin Soomaaliyeed ah oo watay Mooto Bijaaj.
Taliyaha ayaa Allaha u naxariistee Saddexda muwaaddin Magacyadooda ku kala sheegay, Alifle C/shakuur Bootaan Cabdille,oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta C/qaadir Xuseen Cali, oo ka tirsanaa CXDS iyo wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray, Daxmar Jeylaani Abuukar Cabdi.
dhacdadaan ayaa imanayso iyadoo ay Gawaarida ay sitaan ciidamada nabad sugida ujooga dalka ay marar badan dad shacab ah jiirsiiyaan gawaarida ay wadaan.
Maxamed Yuusuf Cumar Ma dale, oo ka warbixiyay sababta ku qasabtay in ciidamacada AMISOM ay iskaaga tageen marka ay muwaadiniinta jiirsiiyeen baabuurtooda ayaa sheegay in ay ku kalliftay Ciidanka AMISOM in ay ka cararaan goobta uu shilku ka dhacay in ay ahayd baqdin ay ka qabeen in ay waxyeello kaga timmaaddo Dad ka careysan dhacdadaasi.
Taliyaha qeybta nabad gelyada Waddooyinka ee Soomaaliya, Janaraal Madaale, ayaa sheegay Ciidanka AMISOM ay qaateen mas’uuliyadda shilkan, isla maraana ay u hoggaansamayaan sharciga waxaa uuna.
Ugu danbeyn taliyaha ayaa tacsi u diray Dadkii ay sida gaarka ah uga baxeen Saddexda marxuum Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku war geliyay in ay Dowladdu ku howlan tahay sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dhibbanayaasha iyo Eheladoodaba.