Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo ka dhacay magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo lagu qabtay magaalada Cadaado.

Shirkaan waxaa ka qayb galay wasiirrada amniga gudaha, iyo arrimaha gudaha, wasiirru dowlayaasha arrimaha guddiga iyo howlaha guud, xildhibaanno, madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo saraakiil amni oo ka socota dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhagaystay saraakiisha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, ayaa faray saraakiisha amniga ee dowladda federaalka in si dhaw ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowlad gobaleedka Galmudug si guul looga gaaro qorshaha amniga.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa loog hadlay Qorshaha guud ee amniga dalka, dardar-gelinta qorsha howlagalada Ciidamada ee  deegaannada Galmdug oo qayb ka ah qorshaha guud ee xoraynta dalka iyo diyaarinta ciidamo Booliis ah oo la wareega amniga deegaannada ciidanka xoogga dalku ay la wareegaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close