Wararka

Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo qoraalka xeerka xuquuqda carruurta.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka dowlad Goboleedka Jubbaland ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo qoraalka xeerka xuquuqda carruurta iyo xadgudubyada ay la kulmaan oo ay ugu weyn tahay in aan la ilaalin xuquuqdooda.

Waxaa kulankaan ka qayb galay Masuuliyiin ka socota Dowlada dhexe iyo xubnaha urrurada bulshada rayidka ee magaalada Kismaayo waxaana lagu lafa guray heshiiska ku saabsan xuquuqda carruurta oo ay dhawaantan saxiixday dawladda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin shirarkan ay tahay in dadka la baro xuquuqda ay leeyhiin carruurta laguna booriyo in la ilaaliyo, iyo in dawladda lagala shaqeeyo sidii lagu heli lahaa qorshe cad oo lagu dhaqan galinayo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta ee ay dawladdu saxiixday.No photo description available.Image may contain: one or more people, people sitting and tableImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close