Wararka

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya oo magacaawday guddi dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka Shiinaha ayaa ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal waxaa ayna si wadajir ah u magacaabeen guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

Guddiga dowlada Federaalka ay u magacaawday in ay qaby ka noqdaan guddiyada iskudhafka ah ayaa kala ah; Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.

Sidoo kale maalinimada Khamiista ah ee ku began barito ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka uu gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gallo munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close