Wararka
Wasaaradda Caafimaadka oo bilawday Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay biloowday Wareegga 1aad ee Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa olalahaanka kaashanayso hay’addaha WHO, UNICEF iyo GAVI waxaana lagu wadaa in Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha uu ka dhaco dhamaan gobolada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Drs. Fawziya Abikar Nur oo ay wehliyeen Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Mamunur Malik iyo Wakiil ka socdey UNICEF Dr. Mahboob Bajwa, Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cabdullahi Xaashi Cali, Agaasimaha Isbitaal Banaadir Drs. Fartuun Shariif Maxamed ayaa si wadajir ah u daahfuray Wareegga 1aad ee Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha oo laga fulin doono dalka oo dhan.
Ololahan ayaa qayb ka ah heshiis ay dunidu ku gaartey in cudurka Daacuun Caloolaha la dhameeyo inta aan la gaarin sanadka 2030-ka, waxaana Tirada Dadka la Tallaalayo ay gaareysaa 659,922 qof oo da’doodu u dhaxayso 1-sano iyo wixii kaweyn.